Wednesday, July 27, 2016

IBNU AL-HAYTHAM

Abu Cali Al-Xasan Bin Xasan Bin Al-
Haytham. Wuxuu kamid yahay ragga
dadaalka ay sameeyeen uu sababey in
aadamiga uu u furmo garasho baaxad
leh oo noloshooda wax-tar u yeelata. Waa
caalim, wax-qabadkiisii aadamiga oo dhan
ay mahadiyeen. Waa aabihii aqoonta la
xiriirta iftiinka (Optic Science), waa ninkii
ugu horeeyey ee bilaaba aqoonta la xiriirta
adeegyada xubnaha aadamiga (Physiology).
Wuxuu dejiyay xeerarka uu araggu ku
dhaco. Maanta ma-jirto qalab fiiro-tebiye ah
ee lagu eego wax dhow (Microscope) ama
wax dheer (Telescope), qalab muraayado
ah ama quraaradaha indhaha, kuwaas oo
sameyntooda ay ka maqan-tahay xeerar
aqooneed ee uu dejiyey Ibnu Al-Haytham.
Si ku dhisan xisaab iyo handasa ayuu ugu
kuur-galay dhaqdhaqaaqa xubnaha jirka iyo
jihooyinka saddexda ah (Three-Dimension)
oo ay u nuuxsadaan (horey-gadaal, midigbidix
iyo kor-hoos.)
Magacyada loo yaqaan waxaa kamid ah
Al-Basri oo loo nisbeeyo magaaladii uu ku
dhashey ee ah magaalada Basra (Ciraaq).
Waxaa kaloo lagu magacaabaa Caalimkii
aqoonta dabiicad-baradka (Physics). Waxaa
kaloo magacyadiisa kamid ah Ptolemaeuskii
II-aad. Ninkan lagu naaneysey waa
Ptolemy Claudius (90-168 cd), kaas oo 1000
sano ka cimri horeeyey Ibnu Al-Haytham.
Ptolemy Claudius xilligaas uu noolaa wuxuu
ahaa aqoonyahan looga danbeeyey aqoonta
xisaabta, cir-baradka (Astronomy) iyo
dhul-xariiqa (Geography). Qarniyo dhowr
ah ayaa waxaanan jirin nin la bar-bar-dhigo
ee wax ka yiqiin aqoonta dabiicadda. Ibnu
Al-Haytham wuxuu ku dhashey magaalada
Basra ee dalka Ciraaq markey taariikhdu
ahayd 965 c.d. (354 taariikhda Hijriyada).
Xilliga uu hanaqaadey Ibnu Al-Haytham,
waxaa lagu guda jirey casrigii dahabiga
ahaa ee Islaamku uu soo marey. Xilli waxay
ahayd muslimiintu ay siyaasad ahaan u
hanaqaadeen oo ay ku guuleysteen in ay horseed
ka noqdaan il-baxnimada dunida. Iyagu
waxay markaas ku guuleysteen dhismo
hannaan dhaqaale iyo kobcin aqooneed.
Taariikhyahannadu waa ay isku khilaafsan
yihiin dhalashada Ibnu Al-Haytham in uu
yahay Carab iyo in uu yahay Beershiyaan.
Waxaa kaloo ay isku khilaafsan yihiin in
uu shiica ahaa iyo in uu sunni ahaa. Mid
uu yahayba waa caalim wax badan ku
kordhiyey garaadka aadamiga. Wuxuu ku
fogaadey falaadka aqoonta iyo xeerarka
aragtiyaalka ee laga dhaxlo tijaabooyinka
aqooneed.
Magaalada uu ku dhashey ee Basra, ayaa
waxay siisey fursad ah in uu goor hore
bilaabo xiisaha uu u qaadey daba-galka
uunka dabiicadda iyo muuqaalladeeda.
Wuxuu dadaal ku bixiyey baadi-goobka
asraarta ogaallada aqooneed ee aadamiga
ka qarsoonaa. Yaraantiisii, wuxuu bartey
aqoonta kala duwan ee diinta Islaamka.
Dabadeed wuxuu wakhti badan ku
bixiyey in uu daalacdo kutubta aqooneed
ee tiil magaalada Basra. Gaar ahaan
kutubtii laga af-meershey (turjumey)
afafka Giriigga, Hindiga iyo Roomanka.
Wuxuu kaloo daalacdey kutubtii ay qoreen
aqoonyahannadii Islaamka, gaar ahaan
imaamkii reer Andulus Abuu Al-qaasim
Khalaf Ibnu Al-Cabaas Al-Sahraawi. Waxaa
kaloo kamid ahaa culimada uu daalacdey
qoraalladoodii, Imaam Yacquub Ibnu Isxaaq
Al-Kandi iyo Abuu Xasan Thaabit Al-Saabi.
Aqoon wejiyo badan ayuu Ibnu Al-
Haytham daneeyey oo uu ku caan baxay
daba-galkooda. Waxaa u dheeraa xeerarka
nolosha ee uu ku ogaadey tijaabooyinka
aqooneed, kuwaas oo noqdey kuwo
dhaxal-gal u ah aadamiga. Aqoonta uu
caalimkan u kuur-galey waxaa kamid
ahaa xisaabta (Mathematics), handasada
(Geometry), qalliinka caafimaadka (Medical
Surgery), falsafadda (Philosophy), dhulxariiqa
(Geography), caafimaadka indhaha
(Ophthalmology), cir-baradka (Astronomy),
dabiicad-baradka (Physics), arag-baradka
(Optics) iyo aqoonta dhaqaaq-baradka
(Mechanics). Aqoontaas kala duwan oo
uu jecleystey waxay gayeysiisey in uu
akhristo wixii qoraallo ahaa oo ay ka wax
dhigeen aqoonyahannadii ka horeeyey
dhamaantood. Kuma uusan ekaan akhrin
keliya ee aqoon walba daba-gal iyo u
kuur-gal ayuu ku sameeyey, isaga oo waxbadanna
ku kordhiyey. Noloshiisii wuxuu ku
dhameystey aqoon kororsi, aqoon dejin iyo
tijaabooyin, illaa uu ka noqdey nin dunidii
ay il-baxnimadu tiil laga bartey magaciisa.
Hadalka afkiisa ka-soo baxa wuxuu noqon
jirey ooraah ay dadku isu-tebiyaan, kaas
oo gaara magaalooyinkii Islaamku u talin
jirey bari iyo galbeed. Caalimka la yiraahdo
Al-Qafaadi ayaa wuxuu qorey hadal laga
wariyey Ibnu Al-Haytham. Hadalkaasi
wuxuu ahaa:
wuxuu gaarey dalka Masar. Waxaa maqley
amiirkii Khaliifada Faadimiyiinta (909-1171)
ee xilligaas ka talinayey Masar. Amiirka
waxaa la oran jirey Al-Xaakim Bi´amri-laahi
Mansuur, kaas oo talada hayay muddadii
u dhexeysey 1101 -1121. Wuxuu ahaa
khaliifkii lixaad ee dowladdaas. Khaliifkan,
isaga oo ku sugan Qaahira, ayaa markuu
maqley warkii Ibnu Al-Haytham uu ka yiri
biyaha Niil, si qarsoodi ah ayuu dhaqaale
badan ugu direy. Dabadeed wuxuu ka
dalbadey in uu Masar ugu yimaado. Amiirku
wuxuu is tusiyey kalsooni ah, marba haddii
Ibnu Al-Haytham uu hadalkaas yiri, aqoonta
uu leeyahay darteed, in uu yahay nin fulin
kara qowlkiisa. Ibnu Al-Haytham waa uu
aqbaley in uu Masar u socdaalo. Amiirkii
ayaa markaas wuxuu Ibnu Al-Haytham u
xil-saarey in uu oofiyo ballantiisii ahayd in
uu webiga Niil wax ka qabto oo uu dhiso
biya-xireen.
Caalimkii wuxuu guda-galey in uu dhanka
koonfur ugu socdaalo qul-qulka biyaha Niil.
Wuxuu sii qaatey xoogaa qalab ah oo uu la
kaashado dhismaha biya-xireenka. Waxaa
socdaalka ku weheliyey rag xirfadlayaal
ah, kuwaas oo qudhooda uu ugu xushay
in ay wax la dhisaan. Wuxuu soo gaarey
meel ku dhow magaalada Aswaan ee
ku taal koonfurta dalka. Waa dhul kala
sareeya oo halkaas waxaa ka hoobta biyaha
webiga. Degaankii ayuu u doortey in uu
mashruuciisa ka hir-geliyo. Waxaa xusid
mudan in degaankaasi uu yahay degaanka
sanadkii 1960-kii dowladda Masar, iyada
oo kaashaneysa dowladdii la oran jirey
Midowga Soofyeeti, ay u dooratey dhismaha
biya-xireenka Aswaan (Aswan Dam).
Biyaxireenkan cusub ayaa wuxuu keydiyaa
biyo gaaraya 43,000,000 m3.
Ibnu Al-Haytham iyo raggiisii, in muddo
ah ayay ku sugnaayeen degaankii. Wuxuu
diraaseeyey socodka biyaha iyo muggooda,
iyo qaabkii uu biya-xireen uga dul dhisilahaa
webiga. Ugu danbeyntii wuxuu ku
qancey in heerka uu ka gaarey ogaallada
aqoonta xisaabta iyo qalabkan uu wato in
ayan ku filleyn in uu dhiso biya-xireen uu
ku celiya biyaha webiga Niil. Mashruucuna
uu yahay mid u baahan aqoon ka badan iyo
awood ka xoog-weyn midda uu hayo.
Ibnu Al-Haytham, ma uusan awoodin in
uu dib ugu soo laabto Qaahira isaga oo ku
fashilmey mashruucii biya-xireenka ahaa.
Sidaa darteed, si uu ugu soo laabto magaalomadaxdii,
isla-markaana uu uga badbaado
qooqa amiirka, cudur waali ah ayuu iskuridey.
Wuxuu u ekaadey nin madaxa ka
xanuunsan. Dabadeed markii uu warkii
gaarey amiirkii, wuxuu amrey in la soo xiro.
Markii uu magaalada keeney, aqal ayuu
keligiis dejiyey. Wuxuu u qorey mushahar
iyo dad ilaasha una adeega. Xaaladdaas
ayuu Ibnu Al-Haytham ku sugnaa muddo
10 sano ah (1011 - 1021), illaa amiirkii
uu ka dhintey sanadkii 1021-kii. Markaas
ayuu Ibnu Al-Haytham dib ugu soo laabtey
caafimaad iyo fiyow-qab. Halkiisii ayuu
ka sii watey cilmi-baaristii iyo qoraalladii
aqooneed illaa isna uu dhintey.
Ibnu Al-Haytham wuxuu ahaa nin aad u
qiimeeya tijaabooyinka cilmiga. Wuxuu ahaa
nin isku howla daba-galka iyo baaritaannada
lagu baadi-goobayo xaqiiqooyinka aqooneed
iyo London. Aragtiyaalka aqooneed ee
fahamkiisa laga dhaxley waxaa kamid ah in
iftiinku uu ku socdo xariiq toos ah ee uusan
lahayn qal-qallooc. Wuxuu kaloo qeexey,
xariiqda iftiinku haddii ay ka hor timaaddo
walax daah-furan (Transparency) oo ay
ka dhex-dusto, sida biyaha iyo dhalada, in
markaas xariiqdu ayan toos noqoneynin,
bal ay jabeyso (Light Refraction). Wuxuu u
kuur-galey jajabka ifka qorraxda markuu
soo dhex-marayo hawada, iyo soo-celiska
ifka (Light Reflection). Wuxuu tijaabooyin
badan ku sameeyey quraaradaha indhaha
iyo muraayadaha. Wuxuu ahaa ninkii ugu
horeeyey ee u kuur-gala socod ifka ee taagga
iyo legdanka, jajabkooda iyo soo-celiskooda,
taas oo ahayd faham muhim ah si loo helo
ogaallada la xiriira handasada aragga.
iyo xeerarka nololeed. Tobankii sano ee uu
xabsi-guriga ahaa wuxuu qorey kitaabadiisa
midka ugu qiimiga badan. Kitaabkaasi oo uu
ku magacaabey Kitaab Al-Manaathir (Book
of the Optics) wuxuu ku diyaariyey fikrado
iyo aragtiyo aqooneed oo dhab ah, kuwaas
oo aqoonyahannadu ayan hortiis ogaal u
lahayn. Wuxuu buugaas ku muteystey in
caalimkan lagu magacaabo aabaha aqoonta
iftiinka (Father of the Light Science).
Buuggaasi wuxuu ka koobnaa toddoba
qeybood. Wuxuu kaga hadlayey aqoonta
xisaabta, dabiicad-baradka, aragga iyo
aqoonta naf-baradka. Ahmiyadda uu buuggu
leeyahay waxay tahay in uu si casri ah ugu
qorey saldhigyada aragga ee ku saleysan
aqoonta dabiicad-baradka ah. Baaritaanka
uu ku sameeyey xubnaha aragga (indhaha)
iyo shaqadooda ayuu ku muteystey in uu
noqdo ninkii ugu horeeyey oo oo wax ka
qora aqoonta xubno-baradka (Physiology).
Aragtiyaalka khaldan ee uu saxay oo la
xiriira aragga walxaha, waxay ahaayeen
kuwo Ibnu Al-Haytham hortiis laga
rumeysnaa dunida. Waxaa kamid ah
xiriirka u dhexeeya iftiinka iyo aragga.
Aragtidan khaldan waxaa horey isugu
raacey aqoonyahannadii Giriigga ahaa oo ay
kamid yihiin Aristotle, Ptolemy iyo Euclid.
Aragtiyaalkaas dheeriga ku ahaa aqoonta
aadanaha waxaa kamid ahaa aragtida lagu
magacaabo Emission Theory. Waxay tahay
in araggu uu dhaco kadib iftiinka ka-soo
baxaya indhaha oo ku dhacaya agabka
muuqda ee leh qaab, midab iyo weynan ay
maskaxdu fasirtu. Ibnu Al-Haytham wuu
beeniyey arintaas oo wuxuu muujiyey in
araggu u dhaco sidaas la sheegey ka-soo
hor-jeedkeeda. Tijaabo qurux badan ayuu
dhigey ee uu ku adkeynayo aragtidiisa, taas
oo ahayd in uu goor maalin ah qof dhexjoojiyey
qol gudcur ah. Dabadeed albaab u
furan ayuu meel qofkii hortiisa ku aaddan
wuxuu dhigey kursi. Qofkii gudcurka ku
jirey waxaa u muuqda kursigii dibadda yiil
(meel iftiin ah). Markii la sameeyey tijaabo
middaas ka-soo hor-jeedda oo kursigii la
dhigey aqalkii gudcurka ahaa gudihiisa,
qofkiina la joojiyey dibadda oo iftiin ah.
Qofkii waxaa u muuqan waayey kursigii
Waxaa halkaas ku burey aragtidii Ibnu
Al-Haytham hortiis la rumeysnaa ee ahayd
shucaaca wax lagu arko ee u dhexeeya
qofka iyo walaxda waa mid ka yimaada
indhaha qofka. Waayo haddii shucaacu uu
ka yimaado indhaha, waxay ahayd in la
arko kursigii gudcurka yiil xilli ay indhuhu
heysteen iftiinkii qorraxda. Ibnu-AlHaytham
wuxuu caddeeyey aragtida ah shucaaca
aragga in uu ka yimaado walaxda. Ibnu
Al-Haytham wuxuu ahaa aqoonyahankii
ugu horeeyey ee soo bandhiga dhismaha
lakabyada indhaha iyo lakab walba howsha
gaarka ah oo uu ka qaato aragga.
Wax qabadkii Ibnu Haytham waxaa lagaga
tusaale qaadan-karaa buugaagtii uu qorey
oo gaaraya 200 oo kitaab. Waxaa weheliya
qormooyin badan oo uu aqoon kala duwan
uga faalloonayo. In badan oo kutubo uu
leeyahay ah waxaa la rumeysan yahay in ay
lumeen. Kutubtiisii asalka ahaa badankood
waxay yaalliin maktabado ku yaal Istanbuul
iyo London. Aragtiyaalka aqooneed ee
fahamkiisa laga dhaxley waxaa kamid ah in
iftiinku uu ku socdo xariiq toos ah ee uusan
lahayn qal-qallooc. Wuxuu kaloo qeexey,
xariiqda iftiinku haddii ay ka hor timaaddo
walax daah-furan (Transparency) oo ay
ka dhex-dusto, sida biyaha iyo dhalada, in
markaas xariiqdu ayan toos noqoneynin,
bal ay jabeyso (Light Refraction). Wuxuu u
kuur-galey jajabka ifka qorraxda markuu
soo dhex-marayo hawada, iyo soo-celiska
ifka (Light Reflection). Wuxuu tijaabooyin
badan ku sameeyey quraaradaha indhaha
iyo muraayadaha. Wuxuu ahaa ninkii ugu
horeeyey ee u kuur-gala socod ifka ee taagga
iyo legdanka, jajabkooda iyo soo-celiskooda,
taas oo ahayd faham muhim ah si loo helo
ogaallada la xiriira handasada aragga.
Wuxuu sheegey hawada aanu dhulka ku
heysanno, qeybteeda hoose in ay ka cuf
weyn-tahay qeybteeda sare iyo in hawadu
ayan ahayn mid u furan fagaagga (Space).
Bal ay tahay mid leh xuduud dhexe oo
saqaf u ah dhulka, kaas oo ku eg meel naga
sareysa oo dusheena ah. Ibnu Al-Haytham
wuxuu tilmaamey jajabka nuurka inooga
imanaya dusha (Dayaxa iyo xiddigaha),
markay soo dhex-marayaan cimilada
hawada in ay marar badan jajabayaan.
Sidaas darteed jajabkaas badan wuxuu
sabab u yahay dayaxa iyo xiddigaha in ay
inoogu muuqdaan kuwo ka-dhow masaafada
ay inoo jiraan.
Buugaagta uu qorey caalimkan kuwo
badan oo kamid ah nuxurka ka akhri.
Buugaagta iyo qoraallada cilmiga ah ee
uu ka tegey Ibnu Al-Haytham intaas waa
ay ka badan yihiin. Qoraalladaas waxaa
qiimeeyey ummado badan oo xilligii
uu noolaa iyo markuu dhintey dabadiis
joogey. Aqoonyahanno badan ayaa goordanbe
waxay gorfeeyeen qoraalladaas.
Waxaa kamid ah aqoonyahan muslim ah
oo la yiraahdo Kamaalu-diin Al-Faarisi
ayaa wuxuu si wanaagsan u guda-galey
cilmi-baaristii Ibnu Al-Haytham ee la
xiriirey aragga. Caalimkan, markii uu si
wanaagsan ugu kuur-galey wax-qabadkii
Ibnu-Haytham, wuxuu ka qorey kitaab uu
ku faah-faahinayo xeerarka iyo aragtida
aqooneed ee aadamigu uu ka dhaxley
caalimkaas weyn. Wuxuu ku magacaabey
( ).
Kitaabkaas uu qorey Al-Faarisi ayaa wuxuu
ahaa midkii ugu horeeyey ee aqoontii Ibnu
Al-Haytham ee soo gaara Yurub. Waxaa
kitaabkaas asbaanish u af-meershey (turjumey)
ninka la yiraahdo Gerard Cremona oo kamid
ahaa raggii waaweynaa ee qarniyadii dhexe
af-celin jirey kutubtii ay reebeen culimadii
islaamka ahaa. Kitaabkii oo af-asbaanish ah,
qaaradda Yurub waxaa markiisii ugu horeeyey
lagu iibiyay magaalada Bern ee dalka Swiss
sanadkii 1572-kii.
Kutubtii Ibnu Haytham ee la af-meershey
waxay raad xooggan ku
yeesheen aqoonyahanno
badan ee qarniyadii
dhexe ka kacay Yurub.
Waxaa laga xusi karaa
Roger Becon (1214-1294),
oo ahaa aqoonyahan u
dhashay dalka Ingiriiska.
Kitaabkiisa ugu qiimiga
badan ee uu qorey waxaa
la yiraahdaa Opus Majus.
800 oo safxadood waa uu
ka badan yahay. Toddobada
qeyboo ee ka kooban yahay, saddexda danbe
ayaa waxay ka hadleysaa aqoonta aragga,
xeerarkeeda iyo falsafad. Qeybahaas danbe
waxay yihiin aqoon uu ka-soo miinguurshey
kitaabkii Ibnu Al-Haytham.
Ibnu Al-Haytham wuxuu noqdey nin dunida
laga xushmeeyo. Maanta dalka Baakistaan
waxaa ku yaal isbitaal weyn oo ku dhexyaal
jaamacadda Agakhaan. Waxaa lagu
magacaabaa Ibnu Al-Haytham. Waxaa
lagu bartaa laguna daweeyaa cudurrada
indhaha. Sanad walbana
waxaa lagu bixiyaa
abaal marin. Diinaarka
dalka Ciraaq waxaa ku
sawirnaa wejiga Ibnu
Al-Haytham, magaciisana
waa ku qornaa.
Qaramada Midboobay
(United Nations) markii
ay dowladda Ciraaq
baaritaanka ku heysey
xilligii Saddaam, magaca
Ibnu Al-Haytham waxay
u bixisey macmal (Laboratory) lagu baaro
waxyaabihii kiimikada ahaa ee dalka Ciraaq
laga soo helo. Xushmadda loo hayo Ibnu Al-
Haytham waxay gaartey in lagu magacaabo
god dayaxa dushiisa ku yaal oo kamid ah
godadka ay qaraxyado sameeyaan. Sanadkii
7/ 2- 1999 waxaa Ibnu Al-Haytham lagu
magacaabey dayax xilligaas la heley oo
kamid ah meerayaasha Qorraxda. Allaha u
naxariisto, kana abaal-mariyo dadaalkii uu
qabtey caalimkaas weyn ee muslimka ah.

Qore Qaasim seeraar: