Wednesday, July 27, 2016

TURKIGA IYO
HOGAANKA ERDOĞAN

Qoraalkani waxaa uu si kooban usoo
bandhigayaa taariikh-nololeedka, siyaasadda
iyo hawl qabadka madaxweyne Recep
Tayyip Erdogˇan. Barashada hoggaamiyahan
caanka ah ka sokow, waxay ujeeddada
qoraalku tahay ka-faa’iideysiga aragtidiisa
siyaasadeed iyo hiigsigiisa ku wajahan
horumarinta dalkiisa.
Waxaynu ognahay in gaar ahaan
dadyawga Turkiga iyo Soomaaliya ay ka
dhexayso taariikh qoto dheer, ilaa xilligii
boqortooyadii Cismaaniyiinta. Sidoo kale
waxay labada shacab leeyihiin dhaqan
isu dhaw oo ay keentay wadaagista diinta
Islaamku. Laakiin dhinaca horumarka
bulshooyinka, ilbaxnimada iyo halka ay
dhacaan juqraafi ahaan, waxaa muuqata
in labada dal iyo dadkoodu ay aad u kala
duwan yihiin. Turkigu waxaa uu ka mid
yahay dalalka ugu taariikh fog adduunka,
markay noqoto dhinaca dawladnimada.
Waxay saldhig u ahayd qaar ka mid ah
imbaradooriyadihii ugu itaal weynaa uguna
cimri dheeraa ee taariikhda aadamaha, sida
Byzantine iyo Cismaaniyiinta.
Dhammaan dawladahaasi waxay dalka
kaga tageen raadad taariikheed, dhaqan
iyo aqoon ilbaxnimadu keentay oo
waqti dheer la soo kala dhaxlayey. Gaar
ahaan Boqortooyadii Cismaaniyiinta oo ay burburkeeda wax ka yar boqol sano
(1922) kasoo wareegtay ayay Turkigu aad
ugu faanaan. Jeneraal Kenan Evren oo
hoggaaminayey afgembigii 1980 kaddibna
madaxweyne ka noqday Turkiga (1980-
1989) ayaa waxaa eedayn afgembiga
ku saabsani kaga timid golihii markaas
jirey ee Yurub. Mar uu ka hadlayey kulan
dhexmaray asaga iyo wefdi reer Yurub ah,
waxaa uu yiri:
Waxaa aad ii dhibay hab-dhaqanka
saaxiibbadayo reer Yurub waana nafisay
markii ay qolka ka baxeen. Waxaa aad iiga
xanaajiyay qof ama laba ka socday dalalka
aad u yaryar ee Yurub kuwaasoo waqtigii
Cusmaaniyiinta u yaqaannay Turkiga “ninka
jirran”, inay hadda hadlayeen oo weliba
cunaqabatayn na saareen. Miyuu tanoo
kale istaahilaa qaranka haybadda weyn
ee Turkigu, oo mar saddex qaaradood si
caddaalad ah ku wada xukumi jirey?
Dhinaca kale, inkastoo xilligii
burburkeeda ay boqortooyadii
Cismaaniyiintu niyad-jab iyo dulli ku ahayd
Turkiga iyo guud ahaan muslimiintaba,
haddana Muslimiinta Turkigu, gaar ahaan
waa ay ku faanaan taariikhdii boqortooyada
waxaana ay jecelyihiin in ay dib usoo
nooleeyaan kaalintii Muslimiintu ku
lahaayeen caalamka. Haddaba maxaynu
ka baran karnaa dalkaas, dadkiisa iyo
hoggaamiyayaashooda?
Waa tan koowaade aqoonta iyo
horumarka ummadi marna ma noqoto mid
meel qura ama ummad kaliya ku kooban.
Waxay ku xiran tahay rabitaanka iyo
dadaalka cidda danaynaysa in ay waxbarato
ama ay horumarto. Tan labaadna: waxaa
jira caqabado isku mid ah oo ka dhexeeya
dalkeenna iyo dalalka Muslimiinta ah ee
Turkigu ka mid yahay. Caqabadahaas waxaa
sal u ah cadaadiska reer-galbeedka ee ku
salaysan in dawladaha dalalka Muslimiintu
ay qaataan nidaamka calmaaniga ah haddii
ay doonayaan in ay ahaadaan dawlado horumarsan oo xoog iyo ilbaxnimo sare leh.
Nidaamkan calmaaniyaddu waxaa loogu
dhaqmaa siyaabo kala duwan dalalka isku
maamula, waxaase sal u ah aragtida qabta
in bulshooyinka casriga ahi aanay samayn
karin horumar dhinaca dhaqaalaha ah
haddii aanay ka tagin ku dhaqanka diimaha.
Sidaas darteed waa in diinta laga saaro
saaxada siyaasadda amase kaalinteeda hoos
loo dhigo. Madaxweyne Erdogˇan waxaa uu
kasoo dhex baxay ummad uu cadaadiskaas
calmaaniyaddu aad ugu xoog badan yahay.
Waxaase asaga iyo taageerayaashiisu ay
tuseen in aanay Muslinnimada ummaddu
caqabad ku noqon karin hiigsiga iyo
horumarka ummadda. Waddada ay
hoggaamiyayaasha siyaasadda ee Turkigu
u mareen xallinta caqabadaha casriga iyo
horumarinta dalkooda ayaa u muuqata arrin
ku dayasho iyo ka faa´iideysi mudan, gaar
ahaan marka la eego xaaladda adag ee aynu
maanta marayno.

Waa kuma Recep Tayyip Erdoğan?

Recep Tayyip Erdogˇan waxaa uu
sannadkii 1954 ku dhashay degmada
Kasimpasa, Istanbul,Turkiga. Yaraantiisii
waxaa uu ku soo qaatay magaalada Rize,
waqooyi-bari, Turkiga. Halkaas waxaa
uu aabbihiis ka tirsanaa ciidanka ilaalada
xeebaha. Reerkiisu waxaa ay ahaayeen
qoys dan yar ah. Waxay ahaayeen reer ku
dheggen diintooda islaamka. Asagoo 13
sano jira ayay usoo guureen Istanbul. Waxaa
uu halkaas ka galay iskuul sare (Imam
Hatip Lisesi) oo diinta lagu barto. Kaddib
waxaa uu ka bartay cilmiga dhaqaalaha
jaamacadda Marmara University oo uu
shahaado «Business Administration» ku
qaatay. Ardaynimadiisii waxaa uu Erdogˇan
aad ugu firfircoonaa arrimaha siyaasadda
iyo sport-ga isagoo mar ahaa ciyaartooy
kubbadda cagta ah.
Muddadii waxbarashada jaamacadda
waxaa uu la kulmay Necmettin Erbakan
(oo noqday raysalwasaarihii ugu horreeyey
Turkiga ee kasoo jeeday xisbi islaami ah)
waxaana uu markaas laga bilaabo ka mid
noqday dhaqdhaqaaqa turkiga ee islaamiga
ah. Erdogˇan waxaa uu leeyahay xaas iyo 4
ilmood. Inkastoo xaaskiisu, Emine Erdogˇan,
aanay dhinaca siyaasadda ahayn qof
firfircoon, haddana waxay ku caan baxday
inay noqotay marwadii ugu horraysay
ee ku labbisan xijaab ayadoo ah xaaska
hoggaamiye dal ku dhaqma nidaamka
calmaaniga!

Waxqabadka iyo caqabadaha

Hawshiisa siyaasaddu waxay ku
bilaabatay markii loo magacaabay madaxa
laanta dhallinyarada ee degmada Beyogˇlu,
Istanbul asagoo ka tirsanaa Xisbigii
Bedbaadada Qaranka (MSP), xisbigaas oo
islaami ahaa waxaa la mamnuucay kaddib
afgembigii millateriga ee 1980. Waqtiyadaas
waxaa kale oo uu xisaabiye iyo maamule u
noqday shirkado khaas ah. Kaddib markii
1983 la asaasay Xisbigii Samafalka (RP)
ayaa 1984 loo magacaabay guddoomiyaha
xisbiga ee degmada Beyogˇlu, Istanbul.
1985-na waxaa xisbisgiisu u doortay jagada
guddoomiyaha xisbiga ee gobolka Istanbul.
Doorashadii 1994 ayaa Erdogˇan ku
guulaystay duqa magaalada Istanbul.
Jagadaas oo fursad u siisay in uu soo
bandhigo karti iyo hawlkarnimo dheeraad
ah ayaa waxqabadkiisa aad loo jeclaystay.
Laakiin waxaa mar kale waxqabadkiisa
dhinaca siyaasadda hakiyey millateriga iyo
taageerayaashooda calmaaniyiinta. Taasaa
keentay in Xisbigii Samafalka ee uu ka
tirsanaa la mamnuucay 1997, xilkii duqa
Istanbul-na laga xayuubiyey 1998. Ayadoo
lagu eedeeyey in uu (12.12.1997, magaalada
Siirt) fagaare ka akhriyey gabay-taariikheed
islaami ah oo dhiirri gelin bulsho ah
ayadoo markaas lagu xukumay 10 bilood,
waxaase lasoo daayey markii uu afar bilood
xirnaa. Waqtigaas laga bilaabo waxaa uu
taasoo kasoo horjeeda qaabka ay Erdogˇan
iyo xisbigiisu dalka u maamulayaan.
Go’aannada muhiimka ah ee ay dawladdu
ka qaadatay xaaladaha ad-adag ee ka
taagan Falastiin, Suuriya iyo Soomaaliya
ma aha mid siyaasiyiinta mucaaradku ku
qanceen. Dawladdu waxay dhaleecaynta
mucaaradka iyo qaar ka mid ah dawladaha
reer Galbeedka kaga jawaabtay in ay dib u
qeexday siyaasadda dawladda ee arrimaha
dibedda. Waxay tuseen in Turkigu yahay
dawlad weyn oo danaheedu ka qoto dheer
yihiin dhacdooyinkii qarnigii 20-aad.
Sidaannu kor ku xusnay dadka Turkigu way
ogyihiin taariikhdooda laakiin waxa cusubi
waa in hadda dawladduna ay istiraatijiyad
siyaasadeed ahaan ku tustay in taariikhda
ummaddu ay qayb ka tahay jiritaankeeda.
Geesinnimada iyo mabda’a adag ee hagaya
Erdogˇan iyo taageerayaashiisa waxaa
tusaale lama illaawaan ah u noqday, gaar
ahaan soomaalida dhexdeeda, safarkiisii
Soomaaliya.
Haddaynu soo koobno caqabadaha
madaxweyne Erdogˇan iyo hoggaamintiisa
Erdogˇan noqday nin dalka oo dhan laga
yaqaan, sumcad wanaagsanna kasbaday.
Waxqabadkiisa dhinaca horumarinta iyo
bilicda (sida nadaafadda iyo dhiraynta)
Istanbuul waxaa u dheeraa in uu ku caan
baxay in aanu musuqmaasuq oggolayn.
Tani waa arrin muhiim ahayd oo uu kaga
duwanaa madaxdii kale ee kaga horreysay
maamulka magaalada. Sidaas waxaa qirsan
xataa dadkii asaga iyo xisbigiisaba kasoo
horjeeday.
Halganka siyaasadda ee Erdogˇan waa uu
dheer yahay welina waa uu socdaa oo halkan
kuma soo wada koobi karno. Waxaase xusid
mudan in uu Erdogˇan yahay raysalwasaarihii
Turkiga ee ugu muddo dheeraa, asagoo
jagadaas hayay 11 sano (2003-2014). Waxaa
uu xisbigiisa Caddaaladda iyo Horumarka
(AKP) u horseeday in ay ku guuleysteen
3 doorasho oo guud. Waxaa kale oo uu
noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee
si toos ah loo soo doortay, jagadaas oo uu
sannadkan 2014 qabtay. Waa nin deggan
oo codkar ah. Waxaa uu Alle hibo u siiyey
xikmad ballaaran. Suugaanta ayuu aad ugu
fiican yahay. Doodaha taagan iyo weerarrada
badan ee kaga yimaada mucaaradka waxaa
uu uga jawaabaa si hufan oo deggen.
Caqabadaha jira waa uu ka hadlaa sida ay
la tahay in loo xalliyana waa uu raaciyaa.
In xisbigiisu uu ka qorshe iyo waxqabad
sarreeyo mucaaradka ayuu dadka si toos
ah iyo af ay garan karaan ugu sheegaa.
Waxaa uu isticmaalaa warbaahinta casriga
ah waxaase la moodaa in uu kasii jecel
yahay kulammada fagaarayaasha waaweyn
oo uu markiiba ku qaabbilo tobannaan ama
boqollaal kun oo qof oo taageerayaashiisa
badan ka mid ah.
Waxaa loo qirsan yahay in uu la yimid
deggenaan dhinaca siyaasadda ah iyo
horumar weyn oo dhinaca dhaqaalaha
ah. Dalka Turkigu waxaa uu intii uu
raysalwasaaraha ahaa isu beddelay awood
wax-soosaar iyo wax-dhoofin oo farta lagu
fiiqo. Shakhsiyadda madaxweyne Erdogˇan
ka sokow waxaa jira sababo kale oo ka qayb
qaatay guulaha dawladda maanta ee Turkiga:
1. Kalsoonida dadka oo sii xoogeysatay
markii ay arkeen in xisbigu fuliyey
ballammadii uu horay u qaaday
2. Musuqmaasuqii oo aad hoos ugu dhacay
3. Deggenaanta siyaasadda iyo qorshaynta
dhaqaalaha ee muddada dheer oo soo
jiidatay maalgelin gudaha iyo dibeddaba
ah
4. In kastoo Erdogˇan uu beeniyey in uu
wato barnaamij qarsoon oo «islaamayn»
ah oo weliba uu sheegay in uu nidaamka
calmaaniga ku socdo, haddana waxaa
jira dad badan oo xisbigiisa iyo asagaba
ku doorta in ay yihiin «islaamiyiin»
5. Siyaasadda arrimaha dibeddu waxay
tooshka ku ifisay danaha taariikhiga
ah ee Turkiga. Siyaasad ku salaysan
madaxbannaanida Turkiga ayaa
saamayn wanaagsan ku yeelatay isku
kalsoonida iyo sumcadda dawladda iyo
shacabka Turkiga
Dhinaca kale waxaa jira cadaadis iyo
cambaareyn weyn oo dibed iyo gudaba ah,
1. Taageerayaasha calmaaniyadda oo
ka shakisan in Erdogˇan baabi’in
doono isbeddelladii uu sameeyey
Mustafa Kemal Atatürk oo ahaa
madaxweynaha Turkiga (1923-1938),
ahaana madaxweynihii kowaad ee
jamhuuriyadda Turkiga (Atatürk waa
magac la siiyey 1935 oo la micna
ah aabbihii turkida). Shakigaani
wuxuu keenay in ay ku adag tahay in
madaxweyne Erdogˇan iyo xisbigiisu ay
fuliyaan isbeddellada loo baahan yahay
ee saameeya xeerarka waxbarashada,
caddaaladda iwm
2. Millateriga Turkiga oo aan looga baran
in ay siyaasadda faraha ka laabtaan,
gaar ahaan haddii deggenaan la’aani
timaaddo.
3. Taageerayaasha wadaadka Fethullah
Gulen oo aad ugu farabadan
maxaakiimta, qareennada iyo xeerilaalinta,
kana soo horjeeda Erdogˇan.
Waxay u badan tahay in Erdogˇan uu ka
dabaalan doono caqabadahaas iyo kuwo
kale oo dib ka iman karaba haddii uu sii
wado habkii uu markii horaba ku kasbaday
kalsoonida shacabkiisa oo ku salaysan
xiriir toos ah iyo daacadnimo. Haddaba ma
leennahay hoggaamiyeyaal wax ka baran
kara Erdogˇan oo dadkooda intay toos ula
xiriiraan daacadnimo inta awooddooda ah
wax u hagi kara, mase leennahay shacab
wax ku dooran kara waxqabadka, hufnaanta
iyo daacadnimada, sida shacabka Turkiga?

Qore:Qaasim seeraar

No comments:

Post a Comment